WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Al-Shabaab oo Qaraxyo ku weerartay Ciidanka Itoobiya

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qaraxyo Is-miidaamin ah oo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ayaa Al-Shabaab waxa ay ku weerareen Saldhig ciidanka Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Weerarka oo ahaa mid culus ayaa waxa ay Al-Shabaab la beegsatay saraakiil ka tirsan Milateriga Itoobiya oo ku sugnaa Saldhiga, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray Askar ku sugneyd saldhiga.

Al-Shabaab War ay kasoo saartay weerarka ayey ku sheegtay in laba qarax ay ku weerartay saldhiga Doolow ay mid ka beegsatay goob ay joogeen saraakiil Milateri, halka kan labaad ay la eegteen keydka hubka ciidanka Itoobiya ee Doolow.

Ma sheegin Al Shabaab khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay weerarkan ay ku qaadeen xerada ciidamada Itoobiya ku leeyihiin Doolow, waxaana warar aan helnay sheegayaan in ay jiraan khasaarooyin dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qaraxyada.

Weerarkan Al Shabaab ku qaadeen xerada ciidamada Itoobiya ayaa kusoo aadaya, xilli maalmo kahor Al Shabaab weerar ay ku laayeen askar badan oo katirsan ATMIS ,gaar ahaan kuwa kasoo jeeda Uganda ku qaadeen saldhig kuyaalla deegaanka Buulamareer.

Wararkii ugu danbeeyay Al-Shabaab oo Qaraxyo ku weerartay Ciidanka Itoobiya
To Top