WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Al-shabaab oo Qarax la beegsatay Shaqaale Ajaanib ah

Faah faahino ayaa laga helayaa Qarax xoogan oo deegaan kamid ah Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya lagula eegtay gaari ay saaranaayeen shaqaale Kenyaan ah oo u shaqeynayey shirkad dhismo,

Qaraxa oo ahaa miino ayuu gaariga ku qabsaday deegaanka Wargadud-Takaba oo ka tirsan Magaalada Mandheera,  isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro dhaawac ah oo gaaray shaqaalihii gaariga saarnaa oo kusii jeeday Wargadud-Takaba.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa ay ku dhaawacmeen ugu yaraan 3 qof oo ka mid ah shaqaalaha, halka uu burbur soo gaaray baabuurkii ay la socdeen.

Saraakiisha laamaha ammaanka Kenya ayaa xaqiijiyey jiritaanka weerarkaasi, waxayna shaaciyeen inay wadaan howlgal ay ku baadi goobayo raggii ka dambeeyey weerarkaasi oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Xaaladda deegaanka uu weerarka ka dhacay ayaa haatan ah mid deggan, waxaana qaraxaan uu qayb ka noqonayaa weeraro maalmahaan dambe ka dhacayey halkaasi.

Wararkii ugu danbeeyay Al-shabaab oo Qarax la beegsatay Shaqaale Ajaanib ah
To Top