WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Abwaan Caan ka ahaa Magaalada Muqdisho oo Caawa la dilay

Abwaan Baddal Jaamac Xirsi oo kamid ahaa Nabadoonada sida weyn looga yaqaanay Magaalada Muqdishi ayaa caawa lagu toogtay degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir.

Wararka ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay dileen Abwaan Badal xilli uu ka soo baxay Masaajid ku yaalla degmada Kaxda oo salaadii Maqrib uu ku soo dukaday sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Dableyda dilka geysatay ayaa ka baxsaday goobta, waxaana halkaas gaaray daqiiqado ka dib ciidamada ammaanka dowlada Federaalka Soomaaliya oo baaritaano wada.

Abwaanka ayaa ka mid ahaa Suugaanyahanada Soomaaliyeed ee dareenkooda sida geesinimada leh ugu cabira xaaladaha adag ee ka jira, waxaana geeridiisa ka naxay dad badan oo si weyn u garanayey.

Wararkii ugu danbeeyay Abwaan Caan ka ahaa Magaalada Muqdisho oo Caawa la dilay
To Top