Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa sheegaya in saaka xaaladda Magaaladaas ay tahay mid dega, kadib markii xalay halkaas laga dareemay dhaq-dhaqaaqyo Ciidan oo iska soo horjeeda.
Waxaa Magaalada tan iyo shalay Madaxtooyada Puntland ay Ciidamao farabadan ku daabulaysay Magaaalada Boosaaaso, waxaana la arkyay Ciidamo aad u hubeysan oo qaybo ka mid ah Magaalada fariisimo ka sameysatay.
Ciidanka daraawiishta Puntland iyo kuwa PSF-ta ayaa ku kala sugan goobihii ay ku waaberriisteen, iyadoo dadka Magaalada ay ku warramayaa in ay jirto cabsi weyn oo laga qabo in dagaal toos ah billowdo.
Xiisadda u dhexeysan Ciidanka PSF ta iyo Madaxtooyada ayaa ka dhalatay taliyihii Xilka laga qaaday, iyadoo taliyaha Cusub ee uu magacaabay Deni uusan ilaa iyo hadda tagin Taliska Ciidanka PSF-ta.
Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa si Cad ah u sheegay in aysan marnaba aqbali doonin in Ciidamo gaar ah aagag xirtaan, wuxuuna tilmaamay in sharciga aysan jirin cid ka weyn.
