WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Toogasho dad lagu dilay oo ka dhacday dalka Mareykanka

Saddex qof ayaa ku dhintay 13 kalena waa ay ku dhaawacmeen kaddib toogasho ka dhacday magaalada Philadelphia, sida ay Boolisku sheegeen.

Wax yar ka hor saqdii dhexe askartii gaaf wareegaysay goob caan ah oo lagu caweeyo oo ku taal bartamaha magaalada waxay arkeen dhawr nin oo toogasho u geysaynayay dadkii badnaa, sida uu sheegay Isbatoore ka tirsan Waaxda Booliska Philadelphia.

Booliska ayaa sheegay in askari halkaas ku sugnaa uu rasaas ku furay mid ka mid ah ragii toogashada geystay balse ma cadda iney waxyeelo soo gaartay iyo in kale.

14 qof ayey Boolisku sheegeen iney haleeshay rasaas, kuwaasoo loo qaaday isbitaalada deegaanka. Saddex ka mid ah dadkaas, laba rag ah iyo Dumar ayaa la sheegay inay dhinteen ka dib markii ay isbitaalka yimaadeen.

Wararkii ugu dambeeyay Toogasho dad lagu dilay oo ka dhacday dalka Mareykanka
To Top