Ciidamada Ammaanka Puntland ayaa howlgallo kala duwan waxaa ay ka wadaan Xaafadaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari kadib laba qaraxyo oo xalay halkaasi ka dhacay.
Qaraxa Koowaad oo ahaa bamba gacmeed lagu tuuray iridda laga galo xarunta shirkadda Al-najax ee magaalada Boosaaso, taas oo aan weli la cadeyn khasaaraha ka dhashay.
Qaraxa labaad ayaa isagana waxaa uu ahaa lagu tuuray iridda laga galo shirkadda Muwaafaq oo ku taalla bartamaha Boosaaso, halkaas oo ay ku sugnaayeen ilaalada Shirkadda, waxaana la xaqiijiyay in uusan geysan wax khasaaro ah.
Xalay ilaa saaka ayaa Ciidamada Booliska Gobolka Bari waxaa ay wadaan howlgallo kala duwan oo ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay qaraxyada Bambaano ee lala beegsaday Shirkadaha Ganacsi, walow laamaha Amniga aysan weli sheegin dad loo qabtay weeraradaas.