WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Nabadoon caan ah oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo

Dabley hubeysan ayaa xalay waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ku dilay Nabadoon caan ka ahaa Gobolkaas oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Nabadoon Cabdiqani Xasan Xuseen (Walloore).

Dad goobjoogayaal oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Nabadoonka la toogtay, xilli uu ka soo baxay masjidka Macmuur ee xaafadda Garsoor ee ku yaalla Magaalada Gaalkacyo oo uu ku tukaday salaadda cishaha.

Marxuumka la dilay ayaa sidaan oo kale 2011 masjidka Macmuur lagu dilay aabihiis Nabadoon Xasan Xuseen Maxamed (Walloore), waxaana socda howlgal lagu baadi goobayo dadkii dilay Nabadoon Cabdiqani Xasan Xuseen.

Laamaha Amniga Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Puntland ayaa weli ka hadlin dilka Nabadoon Cabdiqani Walloore, Inta badan Al-shabaab ayaa sheegta mas’uuliyada dilalka qorsheysan ee ka dhaca waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Wararkii ugu dambeeyay Nabadoon caan ah oo lagu dilay Magaalada Gaalkacyo
To Top