WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Mas’uul lagu dilay Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax miino lagu dhejiyay gaari uu watay Mas’uul ka tirsan Maamulka degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay degmada Dharkeenley gaar ahaan Suuq Boocle, waxaana ku dhintay Mas’uuliyiin lala beegsaday ee gaariga watay.

Gaari noociisu ahaa NOAh-ahaa ayaa waxaa qarax miino loogu  xiray C/Fitaax Axmed Afrax Janaqoow oo kamid ahaa Mas’uuliyiinta canshuuraha ee laga qaado xaafadaha u qaabilsan Maamulka degmada Kaxda, isagoo ku dhintay qaraxaas oo ahaa mid xoogan.

Meydka Marxuum C/Fitaax Axmed Afrax ayaa waxaa uu goobta ka qaaday Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska oo gaaray goobta, iyagoona meydka geeyay xarunta baarista danbiya ee C.I.D, halkaasoo sawirro looga qaaday si baaris dheeraad ah loogu sameeyo.

Ciidamada amniga oo daqiiqado kadib tagay halka dilka uu ka dhacay ayaa sameeyay howlgalo baaritaana ah iyagoo ku guuldareystay iney gacanta ku soo dhigaan kooxihii qaraxan ka danbeeyay, waxeyna sii daayeen dhalinyaro ay ka shakiyeen oo la qabtay.

Todobaadkii hore ayey aheyd markii qarax ka dhacay degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir lala beegsaday gaari ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa Milateriga dowladda, waxaana ka dhashay khasaaro nafeed oo gaaray Askar Ciidan iyo dad shacab ah.

Wararkii ugu dambeeyay Mas’uul lagu dilay Qarax ka dhacay Magaalada Muqdisho
To Top