Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa saaka xaafad ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dilay Kormeerihii guud ee Wasaaradda Waxbarashada Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dad ku warramay in rag dhallinyaro oo watay Bastoolad ay toogasho ku dileen Cali Shanlow Cali oo ahaa Kormeerihii Guud ee Wasaaradda Waxbarashada, xili uu marayay xaafadda Xaawo-taako ee Afgooye, isagoona u dhintay rasaas lagu dhuftay.
Wasaaradda Waxbarashada dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka tacsiyeeysay geerida Marxuum Cali Shanlow Cali oo saaka la dilay, waxaana la sheegay inuu isku diyaarinayay kormeer uu ku sameeyo Imtixaanka shahaadiga Dugsiga Sare oo Maanta ka bilowday dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Wasaaradda Waxbarashada oo Qoraal kooban soo saartay ayaa tacsi ugu dirtay qoyska Marxuum Cali Shanlow iyo bahda Waxbarashada Maamulka oo uu ka tirsanaa, waxaana Marxuumka ay Alle uga baryeen inuu ilaahay ugu bishaareeyo Janatul Firdowsa.
Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa marar kala duwan oo horey sidaan oo kale uga dhacay dilal qorsheysan oo geysteen rag dhallinyaro oo hubeysan, waxaana falalka inta badan ka dhaca degmadaas sheegta Al-shabaab.