WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Dilal ka dhacay Magaalada Marka iyo NISA oo…..

Waxaa Maanta Magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha hoose ka dhacay dilal kala duwan, kaas oo la sheegay in loo geystay Askar ka tirsan Ciidamada NISA ee ka howlgalla Magaladaas.

Wararka aan ka heleyno magaalada Marka ayaa sheegaya in saaka Goob lagu iibiyo Jaadka ( qaadka) oo ku taalla Wadada Wajeer ee magaalada Marka lagu dilay Askari katirsan NISA, balse saacado kadib isla Magaalada marka lagu dilay askari kale.

Mid kamid ah dadka kunool Magaalada Marka ayaa ku warramay in dilalka Askartaan ay la xiriirto aanooyin oo kajira Magaalada Marka, isla markaana sidoo kale uu jiro askari kale oo saaka la dhaawacay.

Maamulka Magaalada Marka & laamaha Amniga degmadaas ayaan weli ka hadlin dilalkaas, waxaana Magaalada Marka ay soo martay xilli ay muddo sanado ah ka dhacayeen dilal aanooyin qabiil ah & dagaalo wallow markii dambe xal laga gaaray.

Wararkii ugu dambeeyay Dilal ka dhacay Magaalada Marka iyo NISA oo…..
To Top