WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Dilal ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in askar ka tirsan Ciidanka dowladda ay isku dileen  Koontaroolka Faarax koone ee Magaaladdaasi sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal.

Askari ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa dilay askari kale xilli uu hurday, waxaana la sheegay in markii ay kusoo baxeen askartii kale ee ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya uu isna isla goobta isku dilay.

Askartaan ayaa ka mid ahaa kuwii dhawaan laga qaaday magaalada Muqdisho ee la geeyay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in ay bilaabeen baaritaano ku aadan sida ay u dhaceen dilalka, isla markaana saacaddaha soo socda ay la hadli doonaan warbaahinta.

Wararkii ugu dambeeyay Dilal ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb
To Top