WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Wararkii ugu dambeeyay Dil ka dhacay xaafad ka tirsan Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo oo burcad ahaa oo fiidnimadii xalay xaafad ka tirsan degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ku dilay Wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka degaanka degmadaas.

Dad ayaa u sheegay warbaahinta gudaha in rag hubeysan oo burcad ah ay wiilka dhalinyarada ahaa ku toogteen xaafada Jamhuuriyah ee degmada Kaaraan, xili uu halkaas ku sugnaa, isagoo u geeriyooday rasaas lagu dhuftay.

Burcada ayaa la tilmaamay inay doonayeen inay dhac u geystaan Wiilka oo ka qaatan Teleefoon gacanta oo uu watay, balse rasaas ayey ku fureen, kadibna Telefoonka ayey ka qaateen, iyagoona goobta ka baxsaday markii dambe.

Qaar kamid ah qoyska Marxuumka la dilay ayaa tegay goobta uu falka ka dhacay, isla markaana halkaas ka qaaday Meydka Wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Allaha u naxariistee Mowliid Cali Maxamed  oo ahaa Mid ka mid ah dhalinyarada degmada.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Wararkii ugu dambeeyay Dil ka dhacay xaafad ka tirsan Muqdisho
To Top