Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya oo habeenimadii xalay aheyd ka dhacay degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan.
Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in dagaalka uu ka dambeeyay, kadib markii Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida dowladda oo ka Gadoodsan Mushaar la’aan ay weerar ku qaadeen Bar Koontarool oo lagu qaado lacag, taasi oo ku taalla duleedka Matabaan.
Inta uu socday dagaalka dhexmaray Ciidamada ka wada tirsan dowladda ayaa waxaa la maqlayey daryanka rasaasta ay isweeydaarsanayeen labada dhinac, isla markaana dagaalka uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in Ciidanka Gadoodka sameeyay ay horay ugu barbar dagaalameen Ururkii Ahlusunna, lana sheegay inay mushaaraadka ka jirtay dowladda..