WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Wararkii ugu dambeeyay Dagaal khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Baydhabo

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagal u dhexeeyay Cidanka Booliska Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo xalay  ka dhacay gudaha Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Dad la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in dagaalkii ka dhacay Baydhabo uu ka bilowday, ka gadaal markii xubno ka tirsan Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisimo Ciidanka Koonfurta Galbeed ku leeyihiin gudaha Baydhabo.

Inta la xaqiijiyay laba Carruur oo walaalo ah ayaa ku dhaawacmay rasaas kooban oo ay isdhaafsadeen labada dhinac ee dagaalamay, waxaana xusid mudan inuu jiro khasaaro kale oo ka dhashay dagaalkaas, bale ayaan la xaqiijin inta uu la egyahay.

Ciidanka Booliska Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa dagaalka kadib, sameeyay howlgal lagu xaqiijinayo amniga Magaalada, mana jiro faah faahin ay ka bixiyeen dagaalka iyo howlgalka la sameeyay.

Al-shabaab ayaa marar hore sidaan oo kale weerar khasaaro kala duwan dhaliyey uga qaaday Saldhigyo Ciidanka Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Wararkii ugu dambeeyay Dagaal khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Baydhabo
To Top