WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal dhexmaray Ciidano ka tirsan Kenya iyo Al-shabaab

Dagaalka oo aad u cuslaa ayaa degaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose waxaa uu ku dhex-maray Ciidamada Kenya oo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM & Xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya ku leeyihiin iyo deegaanka Hoosingoow oo hoostaga degmada Badhaashe ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dadka degaanka Hoosingoow ayaa waxaa ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, sidoo kalena uu jiro khasaaro dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.

Sidoo kale dadka waxaa ay sheegeen inay cabsi ballaaran soo wajahday intii uu dagaalka socday, maadaama ay ka baqin qabeen inay waxyeelo kasoo gaarto dagaalka u dhexeeyay Ciidamada Kenya iyo Al-shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannada lagu dagaalamay ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Kenya ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan maadaama Saldhigyad ay ku sugan yihiin la weeraray.

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal dhexmaray Ciidano ka tirsan Kenya iyo Al-shabaab
To Top