WARARKA SOOMAALI

War-murtiyeed laga soo saaray Shir usoo Idlaaday xubno ka tirsan DF iyo D/G

Waxa lagu soo gabagabeeyey magaalada Muqdisho shir u dhaxeeyey wasiirrada maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada dalka iyo Maamulka gobolka Banaadir.

Shirkan oo muddo sadex maalin ah socday ayaa lagu gorfeeyey arrimaha maaliyadda dalka, hannaanka mideynta canshuuraha iyo qeybsiga deeqaha kabka miisaaniyadeed ee Saaxiibadda caalamku ay  Soomaaliya ku taageeraan.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay xoojinta xiriirka wadashaqeynta ka dhexeeya wasaaradaha maaliyadda heer federaal iyo dowlad Goboleed.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur oo xiritaanka shirka ka hadlay ayaa sheegay in kulanka wasiirrada maaliyadda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir uu ku soo dhammaaday jawi is af-garad ah iyo oo miradhal ah, arrimaha maaliyadda iyo hirgelinta mideynta canshuuraha Dekedaha dalka iyo guud ahaan dhaqaalaha.

Gabagabadii shirka ayaa waxaa laga soo saaray War-murtiyeedka ay saxiixeen wasiirrada maaliyadda dowladda FS, dowlad Goboleedyada iyo  maamulka gobolka Banaadir.

Hoos ka Akhriso War-murtiyeedka

War-murtiyeed laga soo saaray Shir usoo Idlaaday xubno ka tirsan DF iyo D/G
To Top