WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Eedeynta loo jeediyey Wasiir Khadiijo Diiriye oo la xaqiijiyay inay jirto

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka & Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Cabdirashiid Maxamuud Xasan ayaa xaqiijiyay in shaqada Wasaaradda Gargaarka laga eryey 16 shaqaale oo ka tirsanaa Wasaaraddaas.

War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Wasiir ku-xigeenka Gargaarka ayaa waxaa uu ku sheegay inay soo gaartay cabashada shaqaale gaaraya 16 oo ka tirsan Wasaaradda, kuwaasi oo uu xusay in sifo sharci darro ah shaqada looga eryey.

Cabdirashiid Maxamuud ayaa tilmaamay in tallaabada shaqada looga saaray16-ka xubnood ay baalmarsan tahay, kana horimaaneyso Amarka kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda 26-kii bishii shanaad ee 2021, wxuuna intaas kusii daray in Natiijada baarista cabashada shaqaalaha ay la wadeen xafiisyada ay khuseyso.

Qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda Gargaarka iyo maareeynta Musiibooyinka Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ku eedeeyey in ay si bareer ah uga jartay Mushaharkii iyo gunnooyinkii ay qaadanayeen.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO: Eedeynta loo jeediyey Wasiir Khadiijo Diiriye oo la xaqiijiyay inay jirto
To Top