Waxaa isa soo tarayo wararka sheegaya in Ciidamo ka tirsan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Qaranka ee Suudaan ku lug lahaayeen Tallaabadii saaka lagu xiray Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk iyo Mas’uuliyiin kale.
Xubnaha ugu dambeeyey ee la xiray ayaa kala ahaa Wasiirka Golaha Wasiirada ee dalkaasi, Khaalid Cumar Yuusuf iyo Xoghayaha Sirta ee Xisbiga Hantiwadaaga ee Albacath Alcarabiya, Cali Alruux Alsanhuri.
Ciidamo badan ayaa la dhigay Magaalada Khartoum iyo daafaheeda, waxaa la xanibay Isku-socodka Xaafadaha, si looga hortago Dibadbaxyo waa weyn oo ka dhaca Khartoum.
Bundada Khartoum ayaa la xiray, iyadoo la jaray Khadka Internetka ee 2 ka mid ah saddexda Shirkadood ee bixiya Adeega Isgaarsiinta ee dalkaasi.
Hadal ka soo baxay Xafiiska RW Xamduuk ayaa lagu sheegay inuu RW war ka soo saari doono Xaalladda cakiran iyo Xadgudbka lagu hayo Nidaamka Dastuuriga ee dalka.
RW Cabdalla Xamduuk iyo dhowr ka tirsan Golahiisa Wasiirada waxay ku jiraan Xabsi Guri (تحت الإقامة الجبرية), iyadoo ay Ciidamo kala duwan oo Ashaamud ah ku hareeraysan yihiin.