WARARKA SOOMAALI

WAR CUSUB: Calanka Soomaaliya oo laga taagay Xarunta Q.M ee Dhaqaalaha

Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Soomaaliya Bilaal Cismaan ayaa maanta calanka Soomaaliya ka taagay xarunta Ururka Qaramada Midoobay ee Dhaqaalaha iyo bulshada ee Galbeedka Aadiya.

Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa xusay in Wasaaraddu ay ku howlantahay xoojinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Dalalka iyo Hay’addaha Caalamka.

“Waxaan sharaf ii ah inaan ka taago calanka Soomaaliya Xarunta Ururka Qaramada Midoobay ee Dhaqaalaha iyo Bulshada ee Galbeedka Aasiya kaasoo xafladdiisa lagu qabtay magaalada Beirut ee dalka Lubnaan” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda.

Wuxuu intaas kusii daray hadalkiisa Wasiiru dowlaha Arrimaha dibadda Soomaaliya Bilaal Cismaan “Ururkaas waxaa xubno buuxa ka ah 20 waddan oo dhammaantood ka tirsan Jaamacadda Carabta”.

 

WAR CUSUB: Calanka Soomaaliya oo laga taagay Xarunta Q.M ee Dhaqaalaha
To Top