WARARKA SOOMAALI

Waqtiga la qabanayo Doorashada harsan ee Aqalka Sare Galmudug oo la shaaciyey

Guddiga hirgelinta doorashada dowlad Goboleedka Galmudug ayaa soo saaray Jadwalka Doorashadda 2 Xubnood ee ka dhimanaa Aqalka Sare ee maamulkaasi oo ka dhaceysa Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka.

Diiwaan galinta Musharixiinta ayaa loo asteeyay Berri oo Khamiis ah, halka Hadaljeedinta iyo Doorashadana ay dhacayso Sabti oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 13 ka November.

Xalay ayay hayd markii Madaxwaynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu soo saaray Liiska Xubnihii ka dhimanaa Aqalka Sare oo u tartami doona Laba Kursi oo ka mid ah Kuraasta aqalka sare.

Waxaana labada kursi ku tarmami doona mas’uuliyiinta  kala ah: Kursiga 1aad waxaa ku tartami doona Cabdi Xasan Cawaale ( Qayb-diid) iyo Cawil Nuur Cali

Kursiga 2-aad waxaa ku tartami doona Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed.

Waqtiga la qabanayo Doorashada harsan ee Aqalka Sare Galmudug oo la shaaciyey
To Top