WARARKA SOOMAALI

Waqtiga kulanka ugu horreeya ay yeelanayaan Xildhibaanada cusub oo la shaaciyay

Kulankii Munaasabadda dhaarinta Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya oo Maanta ka qabsoomay Xerada Afisyooni ayaa soo geba-gaboobay, iyada oo labada Xildhibaan ee uu da’da weyn loo doortay Guddoomiyeyaal Kumeel gaar ah.

Guddomiyaha kumeel gaarka ah ee Golaha Shacabka ayaa loo doortay Cabdisalan Xaaji Liibaan (Dhabancad) halka Gddoomiyaha Kumeel gaarka ah ee Aqalka Sare loo doortay Maxamed Cali Yuusuf (Gaagaab)

Guddoomiyeyaasha Kumeel gaarka ah ee labada Aqal oo Goobta ka hadlay ayaa shaaciyay in maalinta Sabtida ah ee soo socota ay Xildhibaannada yeelan doonaan kulamadooda ugu horreeya.

Xildhibaannada labada Aqal ee golaha Shacabka ayaa waxaa horyaalla Shaqooyin adag oo ay ugu horreeyaan doorashada Guddoonka labada Aqal iyo tan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waqtiga kulanka ugu horreeya ay yeelanayaan Xildhibaanada cusub oo la shaaciyay
To Top