WARARKA SOOMAALI

Waqtiga ay dhacayaan Doorashooyinka Madaxtooyada & tan Xisbiyada S/Land oo la shaaciyay

Gudiga Doorashooyinka Soomaaliland ayaa ku dhawaaqay in Bisha December ee sanadkan la qaban doono Doorashada xisbiyada siyaasada si loo helo sadex Xisbi taasi oo ka dhigan in Xisbiyada hada jira uu waqtigoodii dhacay waana arin ay diidan yihiin Xisbiyada Mucaaradka.

Dhinaca kale Doorashada Madaxweyne iyo ku xigeenkiisa ayaa iyadana la mudeeyay in ay dhacdo bil ka hor 13ka November 2024 iyadoo la raacayo Mudo kordhintii labada sana aheyd ee ay Madaxweynaha Somaliland usameeyeen Golaha Guurtida.

Xisbiyada Mucaaradka ayaa doonaya in Doorashada Madaxweynaha lasoo hormariyo halka Xisbiga Talada hayana uu doonayo in Doorashada Ururada la qabto marka hore.

Jadwalka doorasho ee uu soo saaray guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa uga soo diaraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagneyd gudaha Somaliland, taasi oo salka ku haysay kala horeynta labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Xisbiyada.

Waqtiga ay dhacayaan Doorashooyinka Madaxtooyada & tan Xisbiyada S/Land oo la shaaciyay
To Top