WARARKA SOOMAALI

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray Gaalkacyo iyo ujeedka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Federaalka ee Duraan Axmed Faarax iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay gaareen Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug

Maamulka Gobolka Mudug, kan degmada Gaalkacyo, iyo qaybaha bulshada ayaa Wasiir Duraan iyo wafdigiisa oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Magaalada Gaalkacyo ee Cabdullaahi Yuusuf.

Wasiir Duraan oo la hadlay warbaahinta ayaa bulshada iyo Maamulka Gobolka uga mahadceliyay sida ay usoo dhaweeyen, isagoona sheegay in kulamo is xog-waraysi  ah uu la qaadanayo qaybaha bulshada Gobolka.

Wasiir Duraan ayaa adkeeyay in lasii horumariyo Nabada iyo isdhexgalka bulshada Gobolka, wuxuuna intaas kusii daray hadalkiisa in nabada Mudug ka hanaqaaday ay Soomaaliya oo dhan gaarayso.

Ujeedka Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada Xukuumadda Federaalka ee Duraan Axmed Faarax ee Gaalkacyo ayaa waxaa uu yahay xarig ka jarka mashaariic uu horay uga dhagax dhigay degmada Galdogob ee Gobolka Mudug.

Wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo gaaray Gaalkacyo iyo ujeedka
To Top