WARARKA SOOMAALI

Wafdi ka socda Dowladda Somalia oo shir caalami ah uga qeyb galaya Hindiya

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi ka kooban saraakiil Sarsare ayaa gaaray magaalada New Delhi ee Dalka Hindiya.

Wafdiga Wasiirka iyo Taliye Xijaar ayaa magaalada New Delhi uga qeyb galay meertada 90-aad ee Shirweynaha Booliska Adduunka ee INTERPOL.

Shirka oo ay ka soo qayb galayaan madax ka kala socota in ka badan 165 dalka ayaa socon doona inta u dhexaysa 18 ilaa 21 bishan Oktoobar.

Shirka inta uu socdo ayaa looga hadli doonaa ka hortagga denbiyada maaliyadeed ee caalamiga ah, wax kaqabashada burcadda Internet-ka, la dagaallanka argagixisada, ka hortagga denbiyada xuduudaha isaga gudba, daroogada iyo lacagaha sharci darrada ah, kuwaas oo dhammaan ka mid ah khataraha uu wajahayo guud ahaan amniga caalamka.

Wafdi ka socda Dowladda Somalia oo shir caalami ah uga qeyb galaya Hindiya
To Top