WARARKA SOOMAALI

Waddooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho oo Maanta xiran

Waxaa saaka oo khamiis ah xiran inta badan waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoona loo diidayo inay maraan gaadiidka ay saaran yihiin dadweynaha ee loo yaqaano BL-ka iyo Mooto Bajaajta.

Ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu arkayaa waddooyinka xiran iyaga oo taagan, isla markaana gaadiidka u diidaya inay maraan, waxaana loo ogol yahay oo kaliya inay maraan gaadiidka ay saaran yihiin Askarta iyo mas’uuliyiinta.

Waddooyinka xiran ayaa waxaa kamid ah wadada Maka Al-mukarama, isgoyska dabka, tarabuunka sidoo kale wadada ayaa ka xiran laga soo bilaabo isgoyska maana-booliyo illaa Suuqa degmada Xamar-weyn, waxaana waddooyinka lagu jaray gaadiid iyo biro.

Sababta Maanta oo khamiis ah loo xiray waddooyinka Muqdisho ayaa ah in banaanbax ka dhan ah Al-shabaab oo ay sheegtay dowladda Federaalka Soomaaliya inuu ka dhacayo Garoonka kubada cagta ee Injineer Yariisow oo ku yaalla degmada Cabdicasiis.

Shacabka Muqdisho ayaa maalaya cagtooda si ay u gaaraan goobahooda Waxbarashada iyo Ganacsiga, waxaana shacabka ay sheegeen inay dhibaato ku qabaan xirnaashaha waddooyinka muhiimka ah ee ku yaalla Muqdisho oo xilliyada qaarkood la xiro.

Waddooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho oo Maanta xiran
To Top