WARARKA SOOMAALI

Wada-hadallada Xukuumadda iyo Mucaaradka Somaliland oo Maanta qabsoomay

Waxaa Maanta oo Arbaco ah Xarunta Madaxtooyada Somaliland ka qabsoomay wejigii saddexaad ee wada hadallada u dhexeeya xukuumadda iyo saddexda xisbi Mucaarad ee KULMIYE, UCID iyo WADDANI.

Shirkaasi ayaa lasoo weriyey inuu ku furmay jawi wanaagsan, waxaana goob-joog ka ahaa labada gudoomiye ee Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiillada Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Waxaana shirka furay Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo uu wehelinaayo Madaxeyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan (Saylici) iyadoo la gudo galay ajendayaasha laga dooday oo ay si wada jira u soo diyaariyeen saddexda xisbi,

Intaa ka dib dhinac-walbaaba ayaa waxaa uu soo jeediyey doodda uu qabo, iyadoo ay dhegeysanayeen Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, labada guddoomiye Baarlamaan iyo madaxweyne ku xigeenku.

Waxaana wejigaasi isla maanta uu ku soo dhamaaday isu-soo dhawaansho, iyadoo loo ballamay in la soo naaqisho doodaha maanta la jeediyey, berri oo khamiis ahna ay isu yimaaddaan min saddex xubnood oo keli ahi, kuwaas oo  ka kala socda saddexda xisbi ee UCID, WADDANI iyo KULMIYE.

Wada-hadallada Xukuumadda iyo Mucaaradka Somaliland oo Maanta qabsoomay
To Top