WARARKA SOOMAALI

VIDEO: Amaro Culus oo laga soo saaray Muqdisho kadib Weerarkii Liido

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa Maanta Amar cusub kusoo rogay dhammaan gaadiidka dadweynaha noocyadiisa sida Mooto Bajaajta, Gaadiidka dadweynaha raacaan ee BL-ka loo yaqaano, kuwa Daweeyaha iyo Mootada laba lugaaleyda ah.

Maamulka Gobolka ayaa darawalada gaadiidka dadweynaha ee ka shaqeeya magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku amray in wixii ka danbeeya Maanta aysan qaadir karin Askari hubeysan nooc walba uu yahay iyo hay’ad kasta uu ka tirsan yahay.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar Saalax Dheere oo warbaahinta u Akhrinaayay amarkaan lasoo saaray ayaa sheegay in gaadiidkii ama Mootadii u hogaansami weyda amarkaan lala tiigsan doono sharciga.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

Amarkaan ayaa waxaa uu kusoo aaday, iyada habeen kahor Al-Shabaab weerar ku bilowday qaraxyo xooggan ku qaadeen Hotelka Pearl Beach oo ku yaalla xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, waxaana weerarka ku dhintay dad ku dhow 10 ruux.

VIDEO: Amaro Culus oo laga soo saaray Muqdisho kadib Weerarkii Liido
To Top