WARARKA SOOMAALI

Ukraine oo looga Digay inay qaado tallaabo khatar weyn ku ah dalkeeda

Dalka Cambodia oo ah waddan khibrad xanuun badan ka dhaxlay Duqeyntii Mareykanka u adeegsaday Bambooyinka Clusterka muddo haatan laga joogo Nus Qarni ayaa Baaq u dirtay Dowladda Ukraine oo haatan u caaboon Isticmaalka Bambooyinka ay dowladda Mareykanka ugu deeqayso.

Ra’iisul-wasaaraha dalka Cambodia,  Hun Sen ayaa waxa uu Fariin u diray Madaxda dalka Ukraine, isagoo ku booriyey inaysan adeegsan Bambooyinka sii kala jajaba ee Cluster Bombs.

RW Hun Sen ayaa waxa uu tilmaamay inay khatar weyn ku noqon doonto dadka Reer Ukraine sanooyin aad u badan ama ilaa boqol sano, haddii ay Bambooyinka Clusterka u adeegsadaan Dhulalka ay Raashiya ka haystaan Xuduudaha Ukraine.

Baaqaasi ayaa soo baxay, kadib, markii ay Dowladda Maraykanka ku dhawaaqday Qorshaha ay Ukraine ugu dirayaan Hubkaasi, si ay ugu adeegsadaan Dagaalka ay Milliteriga Raashiya kula jiraan.

Ukraine oo looga Digay inay qaado tallaabo khatar weyn ku ah dalkeeda
To Top