WARARKA SOOMAALI

Uganda oo Warbixinta Weerarkii Al-Shabaab siisay MW Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Janaraal Muhoozi Kainerugaba oo ah La Taliyaha Sare ee Hawlgalada gaarka ah ee Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni.

Madaxweynaha ayaa ka guddoomay Janaraal Muhoozi dhambaal uu ka siday Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni oo ku saabsan xiriirka labada dal iyo Iskaashiga dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Dhankiisa, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga warramey wafdiga Uganda sida ay u socdaan hawlgallada dalka ka dhanka ah Al-Shabaab, caqabadaha jira iyo dhinacyada ay dananeyso dowladda Soomaaliya in laga kaabo, si ay ugu guuleysto halgankan.

Janaraal Muhoozi Kainerugaba oo ah La Taliyaha Sare ee Hawlgalada gaarka ah ee Madaxweynaha Uganda ayaa Madaxweyne Xasan uga warbixiyey weerarkii Al-Shabaab 26-kii May ku qaaday Saldhiga degmada Buulo-mareer, halkaas oo lagu xasuuqay ciidanka Uganda loogana dilay 54 Askari.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Uganda garab istaagga xasilloonida Soomaaliya iyo sida ay dhiig iyo hantiba ugu hureen dagaalka ka dhanka ah dagaalamayaasha Alshabaab.

Uganda oo Warbixinta Weerarkii Al-Shabaab siisay MW Xasan Sheekh
To Top