WARARKA SOOMAALI

Turkiga oo shaaciyay in Itoobiya aqbashay ilaalinta Madax banaanida Somalia

Madaxweynaha Turkiga iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa yeeshay wadahadal telefoon oo ay uga hadleen xariirka labadaas dal iyo Kiiska badda u dhaxeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Xukuumadda Itoobiya

Sida lagu sheegay war kasoo baxay madaxtooyada Turkiga, Itoobiya ayaa aqbashay inay ka fogaato dhammaan ficilo kasta oo dhaawacaya madax banaanida dhuleed ee Jamhuuriyada Soomaaliya.

Erdogan ayaa uga mahadceliyey talaabadaas Itoobiya oo uu sheegay inay Soomaaliya rajo galinayaan, haddii ay arrintani xaqiiqo noqoto waxay ka dhigan tahay in Addis Ababa ay si cad uga laabatay damaceedii badda iyo heshiiskii ay la gashay Somaliland.

Xiriirkan telefoon ahaa ku soo aaday xili labada dal ay wareeg labaad oo wadahadalo ah ku yeelanayaan Turkiga kaasoo ka furmaya magaalada Ankara 12ka bishan oo ku beegan isbiita soo socota.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u kicitimay Turkiga si ay uga qeyb galaan wadahadalka kala dhexeeya Itoobiya.

Turkiga oo shaaciyay in Itoobiya aqbashay ilaalinta Madax banaanida Somalia
To Top