WARARKA SOOMAALI

TOOS: Diyaargarowg dhaarinta Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad oo socota

Waxaa Goordhow lagu wadaa in Xarunta Teendhada Afisyooni ee Magaalada Muqdisho lagu dhaariyo Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa qaatay shahaadada Xildhibaanimo.

In ka badan 200 oo Xildhibaan oo qaatay shahaadada ayaa tegaya Afisyooni ee xeyndaabka Xalane, waxaana Xoghayeyaasha Labada Aqal ee Baarlamaankii 10-aad ku wargeliyeen Xildhibaanada cusub inay tegaan Teendhada Afisyooni, si loo dhaariyo.

Xildhibaano dhowr ah ayaa ku sugan Afisyooni, isla markaana waxaa sidoo kale halkaas la filayaa inuu gaaro Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble iyo qaar kamid ah xubnaha Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Xildhibaanada labada Aqal ee kasoo jeeda dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaan weli qaadan shahaadada Xildhibaanimo ee Baarlamaanka, kuwaasi oo lagu wado inay yimaadan Muqdisho, maadaama khilaafkii ka dhashay hakinta kuraasta la xaliyey.

 

TOOS: Diyaargarowg dhaarinta Xildhibaanada Baarlamaanka 11-aad oo socota
To Top