WARARKA SOOMAALI

Tirada ugu horreeysa Ciidanka ATMIS ee dalka laga saarayo oo la shaaciyey

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday tirada rasmiga ah ee ugu horreeysa ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS ee laga saarayo dalka, kadib War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda.

Wasaaradda Qoraalka ay soo saartay ayaa lagu sheegay in illaa iyo dhamaadka bishan June aynu ku jirno ay dalka ka baxayaan 2000 oo ka mid ah ciidamada ATMIS, taasi oo qeyb ka ah qaraarkii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu ahaa 2628 iyo 2670.

Sidoo kale Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya ayaa caddeeysay in ay ka go’an tahay sidii Ciidanka Qalabka sida u qaadi lahaayeen mas’uuliyadda ah in amniga dalka kala wareegaan ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS.

Soomaaliya ayaa waxay magacawday koox farsamo oo isku dhaf ah oo ka kooban ATMIS iyo xafiiska taageerada QM ee Soomaaliya (UNSOS), kuwaasi oo kormeeri doona dhaqan-gelinta bixitaanka ciidamada ATMIS.

 

Tirada ugu horreeysa Ciidanka ATMIS ee dalka laga saarayo oo la shaaciyey
To Top