WARARKA SOOMAALI

Tirada khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii Degmada Maxaas oo aad usii korortay

Waxaa sii kordhay khasaaraha ka dhashay qaraxyadii shalay ka dhacay degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan, kuwaasi oo loo adeegsaday gaadiid laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa, oo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen dad isugu jiray Askar iyo shacab.

Taliye ku-xigeenka Booliska Maamulka Hirshabeelle Xasan Kaafi Maxamed oo la hadlay Wakaalada  wararka Reuters ayaa u sheegay in tirada dhimashada ay gaartay 35 qof, halka ay dhaawacmeen 40 qof kalena oo intooda badan dhaawacyadooda la keenay Muqdisho.

Dadka ku dhintay qaraxyadii ka dhacay Maxaas ayaa waxaa ka mid ahaa 10 qof oo isku qoys ahaa, waxaana badi dadka waxyeelada soo gaartay ay u badnaayeen Askar iyo saraakiil ka tirsan ciidanka dowladda Federaalka oo ku sugnaa Maxaas.

Weerarkii ka dhacay degmada Maxaas ayaa ahaa kii ugu dambeeyay ee ay Al-shabaan qaaddo tan iyo markii ay ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka huwanta ah ay sannadkii hore bilaabeen inay Al-shabaab ka saaraan dhul ay muddo dheer gacanta ku hayeen.

Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadan. Sannadkii hore ayaa ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa deegaanka ee Mawisleyda oo taageero ka helayay ciidamada Maraykanka iyo kuwa Midowga Afrika ay Al-shabaab ka saareen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Tirada khasaaraha ka dhashay Qaraxyadii Degmada Maxaas oo aad usii korortay
To Top