WARARKA SOOMAALI

Tirada dadka ku dhintay Dhul-gariirkii Turkiga oo gaartay 2,379 oo Qof

Ugu yaraan 2,379 qof ayaa ku dhintay Dhul-gariirkii shalay oo Isniin aheyd ka dhacay ka dhacay Koonfur Bari ee dalkaasi Turkiga.

Madaxweyne-ku-xigeenka dalkaasi, Fu’aad Oktay ayaa ku dhawaaqay inay 2,379 qof ku dhinteen Dhul-gariirkii shalay, halka ay 14,483 kalena ku dhaawacmeen.

Dhul-gariirkaasi ayaa waxa uu saameeyey 11 Gobal oo ka tirsan dalka Türkiye, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Goballada Malatya, Şanlıurfa, Osmaniye iyo Diyarbakır.

Tirada ayaa laga cabsi qabo inay sii kororto, sababo la xiriira burburka Baaxadda leh ee uu geystay Dhul-gariirkaasi.

Dowladda Turkiga ayaa waxaa ay ku dhawaaqday 7 maalin oo Baroordiiq Qaran (National  mourning), kadib, dhowr dhul-gariir oo ka dhacay K/Bari ee dalkaasi.

Qoraal uu Madaxweyne Rajab Dayib Erdoğan soo dhigay Bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu kusheegay inuu dalkiisa galayo Toddobaad Baroordiiq Qaran,  iyadoo Calanka hoos loo dhigayo gudaha dalka iyo Ergooyinka Diplomasiyadaha  Türkiye ee Guud ahaan Caalamka.

Baroordiiq Qaran waxa uu socon doonaa ilaa bishan February 12-da ee sanadkan 2023-ka.

Tirada dadka ku dhintay Dhul-gariirkii Turkiga oo gaartay 2,379 oo Qof
To Top