Sida laga soo xigtay Warbixinta Yuhuuda ayaa waxaa la xaqiijiyey in 9 Askari looga dilay dagaalkii ay XAMAAS kula galeen Waqooyiga Marinka Qasa.
Askarta Yuhuuda ee shalay lagu dilay Qasa ayaa waxay ka tirsanaayeen Guutada Ciiddanka Dhulka ee lagu magacaabo The Givati Brigade, oo la asaasay sanadkii 1947-dii.
Tirada Guud ee Askarta Yuhuuda ee la dilay tan iyo bishii October 7-dii waxay gaarayaan 326 Askari.
Dhanka kale, Wasiirka Amniga ee Yuhuuda, Yoav Gallant ayaa waxa uu Talaadadii la soo dhaafay sheegay in Kharaj Culus kaga baxay maalmihii la soo dhaafay.
Afhayeenka Ciiddanka Yuhuuda, Daniel Hagari ayaa waxa uu xalay qiray inuu ciiddankooda jab weyn ka soo gaaray dagaalkii ay XAMAAS kula galeen Waqooyiga iyo W/Bari ee Marinka Qasa.