WARARKA SOOMAALI

Taliye sare oo lagu dilay Dagaal ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Dagaal kooban oo u dhexeeyay ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay ka dhacay duleedka degmada Masaajid Cali Guduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana dagaalkaasi kasoo baxaya warar dheeraad ah.

Dagaalkan dhexmaray ciidamada ka wada tirsan dowladda gaar ahaan kuwa Milateriga ayaa yimid, ka gadaal markii ciidamo ka baxay Muqdisho, kuna sii socday furimaha dagaalka Galgaduud ay ku dhaceen ciidamo kale oo ku sugnaa duleedka Masaajid Cali Guduud.

Ciidamada ayaa la tilmaamay inay kala shakiyeen, isla markaana dagaalka uu ka dhex bilowday, maadaama xilliga uu dagaalka dhacaayay ay aheyd saqdii dhexe ee xalay, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaaro nafeed, sida laga xigtay saraakiil ciidan.

Dagaalka ayaa waxaa ku dhintay Taliyihii ururka 2-aad guutada Khaalid Bin Waliid oo lagu magacaabi jiray Kabtan Maxamed Axmed Abshir iyo Askar kale oo ka tirsaneyd ciidamada dowladda, kuwaasi oo ka baxay magaalada Muqdisho.

Illaa hadda iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda Federaalka oo ku aadan dagaalka lagu dilay sarkaalkaas ku baxay isla gacanta ciidamada. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, iyadoo oo weli dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayo aaga uu dagaalka ka dhacay.

Taliye sare oo lagu dilay Dagaal ka dhacay Shabeellaha Dhexe
To Top