WARARKA SOOMAALI

Taliye cusub oo Maanta loo magacaabay Ciidamada Booliska Soomaaliya

Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay magaalada Muqdisho ku yeesheen kulankoodii todobaadlaha ahaa, kulanka ayaa waxaa shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xamse Cabdi Barre.

Kulanka ayaa waxaa kasoo qeyb galay inta badan xubnaha Golaha Wasiirada, isla markaana waxaa xilkii looga qaaday taliyihii ciidamada Booliska dowladda Federaalka Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Golaha Wasiirada ayaa Jeneraal Sulub Axmed Firin u magacaabay inuu noqdo Taliyaha ciidanka Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo bedelaya Taliye Xijaar oo xilkaas haayay sanno badan.

Sulub Axmed ayaa horay u ahaa wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo duulista hawada ee Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Xilka qaadista Xijaar ayaa ku soo aaday, xilli magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ay ku jirto xaalad amamaan darro, kadib markii ay kordheen weerarada qaraxyada ah, oo uu danbeeyay weerarkii maalmo kahor Al-shabaab ku qaadeen Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Taliye cusub oo Maanta loo magacaabay Ciidamada Booliska Soomaaliya
To Top