WARARKA SOOMAALI

Taliska howlgalka ATMIS oo Bandow kusoo aaday Xalane iyo Garoonka Aadan Cadde

Ciidanka nabad-Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM/ATMIS ayaa Maanta oo Axad ah howlgalo ballaaran ka bilaavay Xerada Xalane ee ku dhex taalla Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Taliska ATMIS ayaa howlgalkaan ku sheegtay inuu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga guud ee Xerada Xalane, wuxuuna howlgalka uu socon doonaa 10-ka April ilaa 16-ka bishaan, sida lagu sheegay War-saxaafadeed lasoo saaray.

Waxaa la joojiyey waxkasta oo dhaqdhaqaaq ah oo ka jiray Xerada, waxaa la xiri doonaa dhammaan nuuc kasta Ganacsi oo Xalane ku dhexyaala Xalane, sidoo kale waxaa la joojin doonaa dhammaan dhismayaasha socda iyo qandaraaslayaasha.

Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa lagu xusay in Xerada Xalane laga dhex sameyn doono Barro koontorool, lamana ogolaan doono wax dhaqdhaqaaq ah, wuxuuna howlgalka intiisa badan laga fulinayaa Movcon oo ah Terminal ay isticmaalaan Dibloomasiyiinta Shisheeye.

Bandow Taliska ATMIS soo rogay ayaa ka hirgalay guud ahaan Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo Xerala Xalane, waxaana Garoonka uu la furan yahay oo kaliya wadada dheeraad ee ka baxda Isgoyska KM-4 ee aada Garoonka.

Taliska howlgalka ATMIS oo Bandow kusoo aaday Xalane iyo Garoonka Aadan Cadde
To Top