Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Sulub Axmed Firin, ayaa kulan Dag-dag ah isugu yeeray shirka khamiislaha ee hoggaamada iyo fadhiyada madaxa banaan ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.
Kulankaasi dag-daga ah ayaa ujeedkiisu aheyd sidii wax looga qaban lahaa xaaladaha amni-daro ee ku soo korartay magaalada caasimadda ee Muqdisho iyo sidii wax looga badalilahaa nanaanka shaqo ee Ciidanka ee ku sugan caasimada dalka.
Taliye Sulub Axmed ayaa sheegay in uu magacabayo Guddi ka shaqeynayo kormeerida Baraha hubinta gaadiidka, kuwaasi oo wacyi-galin buuxda u sameeynayo ciidamadaasi, maadama loobahanyahay in wax laga badalo habdhaqanka ciidamada Booliska.
Isaga oo sii hadlaayay Taliyaha Booliska Sulub Axmed Firin ayaa waxaa uu tilmaamay inay muhiim ay tahay in la xoojiyo sugida amniga Muqdisho oo faraha kasii baxaya, isla markaana saacadihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen dilal loo geystay dad shacab ah.
Ugu danbeyn, Taliyaha Booliska ayaa ku amray taliyeyaasha in la xasilinayo caasimada, iyadoo laga dulayo cabashooyinka shacabka Soomaaliyeed, iskulana xisaabtamayo dhacdooyinka soo laa laabtay.
Amniga Muqdisho ayaa sii xumaaday, isla markaana waxaa kusoo batay falalka amni darro, iyadoona sidoo kale ciidanka dowladda Federaalka ay kordhiyeen dilalka ay u geysanayaan dhallinyrada ku shaqeysata mooto Bajaajta.