WARARKA SOOMAALI

Taliska Booliska iyo ATMIS oo ka shiray amniga Doorashada Guddoonka 2-da Aqal

Waxaa Isbuuca soo socda lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka dhacaan doorashooyinka Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana socda diyaar garow xooggan oo loogu jiro doorashada.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya sidoo kale ah ah Guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka Jeneraal Xijaar ayaa saraakiil ka tirsan howlkgalka ATMIS kala hadlay amniga goobaha lagu qabanayo doorashada Guddoonka labada Aqal.

Booliiska Soomaaliya iyo howlgalka ATMIS ayaana is dhaafsaday warbixino la xariira xaaladda ammaanka goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka iyo sidii loo adkeyn lahaa amaanka inta ay socdaan doorashada.

S/Gaas Xijaar ayaa sheegay in Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu u taagan yahay ilaalinta ammaanka goobaha ay ka dhacayaan dooarshooyinka iyo amniga  Xildhibaannada Golaha Shacabka & Senatarada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Taliska Booliska iyo ATMIS oo ka shiray amniga Doorashada Guddoonka 2-da Aqal
To Top