Taliska AMISOM ayaa beeniyay warar dhawanahaan si weyn la iskula dhexmarayay oo kua aaddan in Ciidanka nabad ilaalinta Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ay ka qayb qaateen dagaalkii dhawaan ka dhacay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.
War Qoraal ah oo kasoo baxay Talisa AMISOM ayaa lagu beeniyay eedeyntii kaga timid xoogagga Ahlu-Sunna oo horay u sheegay in Ciidanka nabad ilaalintu ay qayb ka ahaayeen dagaalkaasi, iyagoo dowladda Garabsiinayay.
Bayaanka ayaa sidoo kale waxaa ay AMISOM ku sheegeen in marnaba aysan sina kaga qayb qaadan dagaaladii hubeysnaa ee dhiiga badani ku daatay ee dowladda iyo Ahlu Sunna Waljamaaca ku dhexmaray Guriceel.
Dhawaan ayay ahayd markii hoggaanka ugu sarreeya Ahlu-Sunna ay sheegeen in Ciidanka AMISOM ay qayb ka ahaayeen dagaalkii Dowladda iyo Galmudug ay Ahlu-sunna kaga qabsadeen magaalada Guriceel oo markii hore ku dhacday gacanta Xoogagga ASWJ.