Ugu yaraan 46 qof ayaa meydadkooda laga helay gaari xamuul ah oo looga tagay duleedka magaalada San Antonio ee gobolka Texas.
Sarkaal u hadlay dabdamiska ayaa sheegay in 16 qof oo ay ku jiraan afar caruur ah sidoo kale la geeyay isbitaalka.
Magaalada San Antonio ee gobolka Texas, , ayaa ah marin weyn oo ay maraan dadka wax tahriibiya, waxayna xadka Mexico u jirtaa 250km .
Dadka wax tahriibiya ayaa inta badan adeegsada gawaarida xamuulka qaada si ay u daabulaan muhaajiriinta aan sharciyeysneyn ka dib markii ay kula kulmaan meelo fog fog .
