WARARKA SOOMAALI

Soomaaliya iyo Pakistan oo wada-hadallo ka yeeshay Qodobo dhowr ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa Boqortooyada Sacuudi Carabiya kula kulmay Madaxweynaha dalka Pakistan, Mudane Arif Alvi, oo isna sanadkan gudanaya waajibaadka Xajka sanadkan.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa ka wada hadlay adkeynta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada waddan Soomaaliya iyo Pakistan, sida lagu shaacisay Qoraal laga soo saaray Xafiiska warfaafinta ee Ra’iisul Wasaaraha.

Sidoo kale inta uu socday kulanka dhexmaray labada mas’uul ayaa lagu soo hadal qaaday muhiimada sii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada wax soosaarka beeraha, kalluumeysiga, tamarta iyo xoolaha.

Xamsa Barre iyo Arif  ayaaisla soo qaaday qaabkii ay labada dhinac isaga gacan siin lahaayeen la dagaallanka argagixisada, waxaana ay isla qaateen in la diyaariyo wufuud labada dhinac oo ay kala hoggaaminayaan wasiirrada arrimaha dibedda, si loo sii ambaqaado dhaqangelinta qodobada muhiimka ah ee ay ka wada hadleen Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha.

Soomaaliya iyo Pakistan oo wada-hadallo ka yeeshay Qodobo dhowr ah
To Top