WARARKA SOOMAALI

Somaliland oo shaacisay inay jirto xaalad adeg oo sicir-barar iyo Abaar ah

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shir-guddoomiyey shir ballaaran oo ay yeesheen Guddida dhaqaalaha ee golaha wasiirrada Somaliland, kaas oo diiradda lagu saaray arrimo  kala duwan oo ay kamid yihiin xaaladda Abaarta, Sicir-bararka jira iyo baahida loo qabo sidii maal-gashi loogu heli lahaa kheyraadka dabiiciga.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil (Saylici) oo ayaa markii uu shirku dhammaaday ka warbixiyey waxyaabihii kulanku ku saabsanaa, waxana uu sheegay in xukuumaddu ka damqanayso culayska ay bulshada ku keentay sicir-bararka, abaarta iyo xaaladaha kale ee jira.

“Sida Ummadda Somaliland la socoto xaalad adag baa sannadkan jirta oo Abaraha Geeska Afrika oo dhan aynu la qabno, iyadoo gu’ugii hore inagu yaraa haddana gu’ugii maanta uu aad iyo aad u yaraaday, dad iyo duunyaba ay saamayn ku yeelatay abaartaasi waxaa la rog-goray oo laysla gartay in marka koobaad Somaliland u diyaar garowdo xaaladda isku tashi oo ah tu shaqsi iyo tu bulshaba in ummadda reer Somaliland u diyaar garowdo” ayuu yiri Cabdiraxmaan Saylici.

Dhanka kale, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa waxaa uu xusay in Xukuumaddu dedaal weyn ku bixisay wax ka qabashada Sicir-barbarka, iyadoo Somaliland ay cashuurta ka dhaaftay Raashinka daruuriga ah 10%.

“Arrinta sicir-bararku waa wax caalamiya oo adduunyada oo dhan saameeyey xukuumad ahaana lama yaraysan wixii laga qaban karayey waa laga qabtay, waad la socoteen in raashinka daruuriga ah 10% laga dhimay, markii uu shidaalkii kacay wuxuu taabtay waxkasta oo daruuri ah iyo waxaan ahaynba, sidaa darteed waxaan u baahanahay in ganacsatada iyo xukuumaddu inay iska kaashadaan.”

Madaxweyne-ku-xigeenku ayaa waxa uu dul istaagay  muhiimadda ay leedahay  in ilaha dakhli ee Somaliland leedahay maal-gelin dhaqaale  loo helo, xukuumad ahaanna ay taas dedaal badan gelin doonaan, soo talooyin m uhiim ah oo ay guddida dhaqaaluhu soo jeediyeenna si hufan loo dabbaqi doono.

Somaliland oo shaacisay inay jirto xaalad adeg oo sicir-barar iyo Abaar ah
To Top