Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maamulka Somaliland ka joojisay xoolihii ay dekadda magaalada Berbera uga dhoofin jirtay dowladda Sacuudi Carabiya, sida uu shaaciyay Wasiirka Xanaanada xoolaha ee maamulka Somaliland.
Wasiir Siciid Sulub, oo ku sugan dalka Sacuudiga ayaa ku eedeeyay in dowladda Soomaaliya ay carqaladaysay xoolaha Somaliland ka dhoofin jirtay Dekedda Berbera, inkasta oo uusan faah faahin intaas ka badan bixin Wasiirka.
Wasiirka Xanaanada xoolaha ee maamulka Somaliland Siciid Sulub ayaa tilmaamay inay wadaan dedaallo ay ku doonayaan in Boqortooyada Sacuudiga ay dib u furto xoolihii uga imaan jiray Somaliland ee hakisay dowladda Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa kusoo aaday, iyada oo ay soo baxayeen warar sheegaya in laysku qabsaday markab xoolo waday oo aan wadan dhammaan habraacyadii Iibgeynta xoolaha ee Suuqyada Sacuudiga.
Xariirka Muqdisho & Hargeysa ayaa soo hagaayey bilihii u dambeeyey, Madaxtooyada Somaliland iyo dhinacyada siyaasadda ee deegaanadaas ayaana dabcisay dhammaan hadaladii ku wajahnaa arrinta midnimada iyo xariirada lala yeelanyo dawladda Faderaalka.