WARARKA SOOMAALI

Shirweynaha Garsooreyaasha Dalka oo ka furmay Muqdisho (Qodobada Shirka)

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta si rasmi ah u daah-furay Shirkii 4aad ee Madasha Garsooreyaasha Dalka kaas oo ka qabsoomay magaalada Muqdisho.

Shirka oo ay iskugu yimaadaan Garsooreyaasha kala duwan ee Maxkamadaha dalka, ayaa diiradda lagu saaraa mawaadiicda ahmiyadda u leh hawlaha shaqo ee Garsoorka, waxaana shirkan maanta loogga hadlayaa mideynta qaabka iyo qorista xukunnada.

Shirka ayaa waxaa kaloo looga arrinsanayaa habraaca dacwadaha been abuurka ah, iyo weliba fulinta dacwadaha iyo u sinnaanta caddaaladda, waxaana halkaas lagu soo bandhigayaa cilmi baadhisyo kala duwan oo laga sameeyey mawaadiicda uu ku saabsan yahay shirku.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Mudane Baashe Yuusuf Axmed oo furitaankii Shirka hadal ka jeediyey, ayaa carabka ku adkeeyey in  shirkani uu ahmiyad weyn u leeyahay fududeynta xil gudashada garsoorka iyo tayeynta adeegyada caddaaladeed ee uu bulshada  u qabto  iyo in  faham middaysan laga yeesho dabaqida iyo tafsiirka qawaaniinta kala duwan ee dalka si kor looggu qaado adeega cadaaladdeed ee Garsoorka dalka.

Shirweynaha Garsooreyaasha Dalka oo ka furmay Muqdisho (Qodobada Shirka)
To Top