WARARKA SOOMAALI

Shirka Xasilinta iyo soo kabashada degaannadii laga xoreeyey AS oo Muqdisho ka furmay

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka XJFS Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta furay Kulan Heerkiisu Sarreeyo oo looga hadlayo Xasilinta iyo soo kabashada deegaannadii laga xoreeyey Al-Shabaab.

Shirkan ayaa inta uu socdo lagu lafa-gurayaa dardar-gelinta dadaallada ku saabsan xasillinta iyo dib-u-xoreynta goobaha ay wali ku dhuumaaleysanayaan Khawaarijtu iyo sidii loo midayn lahaa taageerada kala duwan ee dowladda iyo hay’adaha caalamiga ah ay gaarsiinayaan deegaannadii la xoreeyey.

Mudane Saalax oo kulanka ka hadlay ayaa tilmaamay muhiimadda uu Barnaamijkani u leeyahay Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan soo kabashada goobahii laga saaray kooxaha Khawaarijta ee u baahan in la gaarsiiyo adeegyadii guud ee dowliga ahaa.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in xoreynta iyo Xasillinta dalku ay yihiin arrimaha horutabinta u leh Xukuumadda Dan-Qaran, isagoo la wadaagay saaxiibbada Caalamiga ah aragtida dowladda ee lagu gaari karo hiigsigaasi.

Shirka Xasilinta iyo soo kabashada degaannadii laga xoreeyey AS oo Muqdisho ka furmay
To Top