WARARKA SOOMAALI

Shirka u dhexeeya Xasan Sheekh iyo Madaxdii hore oo Maanta furmaya

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa Maanta ka furmaya Shir wadatashi ah oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku casuumay madaxdii hore iyo siyaasiyiinta dalka, kuwaasi oo ku sugan caasimadda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa madasha kula wadaagi doona Madaxdii hore ee dalka waxyaabaha u qabsoomay dawladda Federaalka intii uu xafiiska joogay, caqabadaha jira iyo hiigsiga mustaqbalka.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhageysan doona aragtidooda ku aadan xaalada dalka, amniga , la dagaalanka Al-Shabaab, dib u eegista dastuurka, dimuqoraadiyeynta iyo doorashooyinka dalka.

Shirka maanta ka furmaya caasimadda Muqdisho ayaa waxaa ka cudurdaartay Madaxweynihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaareyaashii hore ee dalka Cabdi Farax Shirdoon iyo Cabdiwali Sheekh Axmed.

Madaxdii hore ee dalka oo ku jiray Sheekh Shariif Sh. Axmed ayaa kasoo horjeestay Go’aamadii dhawaan kasoo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu shaaciyay in dalka laga hirgelin doono doorashooyin Cod iyo qof.

Shirka u dhexeeya Xasan Sheekh iyo Madaxdii hore oo Maanta furmaya
To Top