WARARKA SOOMAALI

Shirka Golaha Wasiirada XFS oo lagu soo hadal qaadin Doorashada Puntland

Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada XFS oo uu guddoominayey  Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Saalax Axmed Jaamac, ayaa looga hadlay warbixinno la xiriira Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyey Gobolka Hiiraan, diyaar garowga imtixaanka qaranka ee dugsiga sare iyo dhaqan-gelinta nidaaminta bajaajka caasimadda ka howlgala.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa golaha warbixin ka siiyey amniga guud iyo xasillinta dalka, gaar ahaan dagaalka lagula dagaalamayo Al-Shabaab ee ka soconaya qaar kamid ah gobollada dalka.

Golaha ayaa bogaadiyey guulaha ay ciidammadu ka gaareen dagaalka looga sifeynayo dalka iyo hirgelinta qaraarkii Golaha Wasiirrada ee nidaaminta Bajaajta caasimadda oo dhaqan galay maanta oo khamiis ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, ayaa Golaha Wasiirrada u soo bandhigtay warbixin la xiriirta Fatahaadda Wabiga Shabeelle uu ka sameeyey Gobolka Hiiraan, taas oo saameyn xoog leh ku yeelatay nolosha dadka iyo duunyada ku nool deegaannada uu wabigu ku fatahay.

Sidoo kale, Golaha ayaa Wasaaradda Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare  ka dhageystay warbixin ku aaddan u diyaar garowga imtixaanka qaran ee dugsiga sare, gaar ahaan fasalka 4aad ee sannad dugsiyeedka 2022-2023.

Maanta oo khamiis ah ayaa waxaa deegaanada dowlad Goboleedka Puntland si rasmi ah uga bilaabatay doorashada qof iyo cod ee golaha deegaanka Maamulkaas, Doorashada ayaa ka dhaceysaa soddon degmo oo ku yaalla Mudug, Bari, iyo Sanaag iyo deegaano kale oo Puntland ah marka laga reebo gobolka Nugaal oo ay xarun u tahay Garoowe, ahna caasimadda Maamulka Puntland.

Shirka Golaha Wasiirada XFS oo lagu soo hadal qaadin Doorashada Puntland
To Top