WARARKA SOOMAALI

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maalintii labaad ka socda Muqdisho

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo ay ku mideysan yihiin Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada dalka ayaa maalintii labaad ka socda Magaalada Muqdisho.

Shirka oo uu shalay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ka furmay Xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xaaladda abaaraha jira, amniga dalka, siyaasadda iyo la dagaalanka Al-shabaab.

Gelinka dambe ee Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wadaa in lasoo gaba-gabeeyo Shirka Golaha Wadatashiga Qaran, waxaana Madaxda ka qeyb galeysa ay Shirka ku yeelanayaan doodo adeg.

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre, madaxda maamulada sida Jubbaland Axmed Madoobe, Hirshabeelle Cali Guudlaawe, Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen, Galmudug Axmed Qoorqoor iyo Puntland Saciid Deni oo shirka ZOOM uga qeyb galayo.

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maalintii labaad ka socda Muqdisho
To Top